Description
WASAARADDA DEEGAANKA AYAA KULAN U QABATAY BOOLISKA OO KALA SHAQEYN DOONA ILAALINTA DEEGAANKA IYO BULSHADA IYADOO SHARCIYADA DEEGAANKA LA FULINAYO.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ay weheliyaan Agaasimayaasha waaxaha wasaaradda , wasiirka ayaana ugu horeyn furay kulankan booliska gobolada lagu faray in la ilaaliyo deegaanka , lana faafiyo sharciyada shuruucda Ilaalinta Deegaanka .
Kulanka ayaa looga golleeyahay in lagu fuliyo laguna baahiyo shuruucda ilaalinta iyo maaraynta deegaanka iyo si loo ilaaliyo deegaanka iyo bulshada .
Wasiirka wasaaradda deegaanka ayaa booliska gobolada kula dardaarmay in ay adeegsadaan shuruucda Ilaalinta iyo maaraynta Deegaanka si aan xal waara uga gaarno dhibaatooyinka deegaanka loo geysto , tan ayaa meesha ka saaraysa in deegaanka loo geeysto dhibaatooyin saameyn taban ku yeelan kara deegaanka iyo bulshada
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland.