Isbedelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha guud Mudane Shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa Shahaado sharaf guddoonsiiyey Cali Diiriye Axmed oo muddo ka shaqeynayey Ilaalinta Deegaanka si isxilqaan ah .Wasiirka ayaa ku dhiirigeliyey Cali Diiriye Axmed inu sii wado u dhaqdhaqaaqa Ilaalinta Deegaanka sida ilaalinta gubista dhirta , ilaalinta duurjoogta iyo dhammaan deegaanka khataraha loo geysto.Tan ayaa la micno ah qoftasta oo ilaaliya deegaanka waxaa uu mutaysan doonaa abaalmarin u qalanta si loo dhiirigeliyo ilaalinta deegaanka iyo bulshada .Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland
Ujeeddo: Ogolaanshaha Samaynta Daraasadda SSDBWasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada
Markuu Arkay: Qodobka 5aad ee Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada ee Dowladda Puntland farqadiisa 1aad iyo 2aad ee ku saabsan Bixinta iyo Diidista Ruqsadda Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada. Markuu Garwaaqsaday: Muhiimadda ay leedahay Daraasadda Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada. Wuxuu soo saaray
Qodobka 1aad Hay’ad kasta oo dowli ah ama shirkad gaar loo leeyahay iyo shakhsi kasta oo fulinaya mashruuc, ma samayn karaan daraasadda Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada, iyada oo aan fasax laga haysan Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada.
Qodobka 2aad Codsadayaasha raba inay sameeyaan daraasadda Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada, waa inay ku jiraan codsigooda dukumentiyada soo socda;1. Warbixin kooban oo ku saabsan Hay'adda.2.Faah-faahin Awoodda Hay'adda.3. Heerka aqooneed ee khubarada shaqada qabanaya.4. Meeqaamka Sharci. Codsiga waa in loo diraa ciwaannada soo socda;
Email: dg.moeacc@plstate.soheadesia.moercc.pl@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland